7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh : Waxa ka socda Gaza waxay kasoo horjeedaan dhammaan qiyamka bini'aadamka
 

Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta Arab News, ayaa sheegay, in rabshadaha u dhexeeya Israa'iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu xalin karo heshiis siyaasadeed.

"Waxa ka socda Falastiin, gaar ahaan Gaza, waa kiis gaar ah oo ka soo horjeeda dhammaan qiyamka bini'aadamka.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu wareysiga uu bixiyay ku sheegay inuu jiro xal caalami ah oo la aqbalay, kaasoo ah Laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil, oo ku wada nool nabad .

Maaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici kato taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.

In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.

Duqeymaha Israa’iil, iyo howlgalkii dhulka ee xigay, ayaa sababay in ka badan 11,000 oo dhimasho ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo barokaca in ka badan kala bar dadka reer Gaza.