7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2023
Muslimiinta Caalamka oo si weyn uga carooday falkii foosha xumaa ee lagu gubay Kitaabka Quraanka Kariimka
 

Khamiis, Juun, 29, 2023 (HOL) - Muslimiinta ku nool dunida daafaheeda ayaa si aad ah uga carooday falkii Shalay oo Ciid aheyd Ka dhacay dalka Sweden ee lagu gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka, iyadoo ay goob joog ahayeen ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas oo la sheegay iney ilaalo ka hayeen ninka gubay Kitaabka Quraanka.

Ninka ku kacay falka uu ku gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Ciraaq, waxaana dhacdadaasi foosha xun si weyn uga carooday dadka Muslimiinta ah.

Dowladda Marooko oo ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay oo Muslim ah ee ka dhiidhiya falkaan foosha xun, waxayna u yeertay Safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden, kadib markii Shalay lagu gubay fagaare ku yaala banaanka hore ee Masaajid ku yaala magaalada Stockholm.

Si kastaba ha ahaatee dalka Sweden waxaa tiro dhowr jeer oo hore ka dhacay falalka lagula xad gudbaayo Kitaabka Quraanka Kariimka ah, kadib markii Maxkamado ku yaala dalkaas ay fasaxeen in la gubi karo Kitaabka Quraanka kariimka ah.

Waxaa talaabadaan sidoo kale si weyn uga carootay dowladda Turkiga oo si kulul u cambaareesay falka Shalay lagu gubay Kitaabka Quraanka, waxaana dowladda Turkiga ay falkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid aan la aqbali karin oo xad gudub cad ku ah dadka Muslimiinta ah.