7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2023
DAAWO SIDA MINNESOTA LOOGA CIIDAY SHALAY


Khamiis, Juun, 29, 2023 (HOL) - Maalinimadii Shalay ee ciida Adxaa ahayd waxay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Minnesota gaar ahaan magaalada Bloomington ay ku tukadeen Salaadii Ciida Garoonka Kubadda Cagta ee Masjidka Darul Faruuq Bloomington.

Dadwayne aad u badan ayaa soo buuxdhaafshay garoonka salaadda lagu tukanayay. goobtan oo markiiba qaaday tiro kor u dhaafaysa Kun qof, ayaa lagu tukaday saddex goor. muuqaalka xaafadaha masaajidka u dhow ayaa aad looga maqlaayey Takbiirta oo jameecadu si qiiro leh iskula helayeen

Waxaana wadooyinka soo gala masaaajidka laga arkaayey dad labisan oo ciidaya oo ka soo lugaynaya xaafadaha u dhow dhow iyadoo shalay cimiladu ahayd mid aad u wanaagsan

Waxaa salaaddii ciidda tujiyey Sh.Cabdiraxmaan Bashiir oo ka mida culumadda waawayn ee geeska Afrika aadka loo dhgaysto  Sheekha, oo halkaas khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabaynaysa ka soo jeediyey, isagoo xusay ama soo qaatay khudbadii ugu danbaysay ee uu jeediyo Nabi Maxamed NNKH , waxuuna shiikhu jameecada xusuusiyey khudbadii xiligaa uu nabigu ku yiri xujaydii Carafo taagneed.

Maamulaha Masaajidka Daruul faruuq Khalid Cumar ayaa HOL u sheegay in sadaxdii jeer la tukaday salaadaha ay markiiba soo xaadireen dhawr kun oo qof , waxuuna khalid ii sheegay dadaalkii dheeraa ay u soo galeen qabsoomida  Salaada Ciida inay tahay mid xag walba ka hagaagtay alle mahadii.

Maamulka masjid Darul Faruuq Bloomington, ayaa aad ugu diyaar garoobay siday u kala hagi lahayeen hirarka dadka ah  iyo Baabuurta oo sida is daba joogga ah  isku dhaafayey wadooyinka soo gala masaajidka,iyagoo aad uga taxadaray amaanka maadaama ay aad usoo batay Islaam nacaybka ka jira dalkaan Maraykanka oo waxaa goobta amaanka sugaayey booliiska magaaladda ,ugu danbayntii waxay ku soo dhammaatay si habsami leh.

Sidoo kale waxaa shalay lagu tukaday dhamaan Masaajida ku yaal gobolka Minnesota iyo magalooyinka u dhowdhow.



Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,MN