7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2023
Cali Jeyte oo diiday Casuumaad uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
 

Khamiis, Juun, 29, 2023 (HOL) - Warar ay heshay Shabakadda Hiiraan Online ayaa sheegaya in madaxweynaha kumeel gaarka ah ee maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan inuu diiday Casuumaad kaga timid madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Jeyte Cismaan ayaa iska diiday Casuumada madaxweyne Xasan Sheekh oo aheyd inuu tago magaalada Muqdisho, si ay wadahadal u wada yeeshaan.

Ilo ku dhaw dhaw madaxweynaha Kumeel gaarka ee maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay Hiiraan Online ayaa inoo sheegay in Casuumaada madaxweyne Xasan Sheekh ay la xariirto mid la doonayo in lagu wiiqo jiritaanka maamulka cusub ee Hiiraan State.

Diidmada martiqaadka loo fidiyay Cali Jeyte ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Fedaraalka Casuumaad ay Muqdisho ugu fidisay  kal hore Jenaraal Abuukar Xuud oo si weyn u diidana jiritaanka Hirshabeelle, markuu xamar tagayna lagu soo rogay inuusan Muqdisho ka bixi karin, taasi oo keentay in maamulka Madaxweyne Guudlaawe ay u noqotay fursad la taaban karo oo meesha ka saartay awoodii u diidaneyd uu mudo sanad ka badan booqasho ku tago Cali Guudlaawe magaalada Baledweyne.

Si kastaba ha ahaatee xaalad siyaasadeed cakiran ayaa ka jirta todobaadyadii ee lasoo dhaafay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii madaxweynaha Hirshabeelle uu qaatay go'aan qar iska tuurnimo ah oo uu xilkii kaga qaaday guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, taasoo keentay in Baledweyne looga dhawaaqo in Cali Jeyte uu yahay madaxweynaha Kumeel gaarka ee maamulka Hiiraan state.