7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2023
Magaalooyin kamid ah Gobollada Dalka oo maalinta koowaad laga ciidayo
 

Khamiis, Juun, 29, 2023 (HOL) - Iyadoo maanta inta badan Caalamka muslimiinta laga ciidayo maalinta labaad ee Munaasabadda ciidul Adxa, ayaa waxaa jira Deegaanno kamid ah Gobollada dalka oo maanta laga ciidayo maalinta koowaad ee ciidul Axda.

Qeyb kamid ah Magaaloyinka Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobollka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay u tahay maalinta koowaad ee munaasabadda ciidul Adxa, iyadoo dadka ku nool magaaloyinkaasi ay masaajidada waa weyn ee ku yaalla halkaasi  ay  Saalada ciidul Adxa, ay ku tukadeen,  iyaga oo Saalada kaddibna isugu hambalyeynayay munaasabada  ciidul Adxa.

Qaar kamid ah Culi'mada halkaasi ku dhaqan ayaa sheegay in ay maanta u tahay maalinta koowaad ee munaasabadda ciidul Adxa.

Shacabka ku dhaqan magaaloyinkaasi, ayaa wabaahinta u sheegay in ay maalinta koowaad ee ciidul Adxa,  u dabaal-dagayaan, isla markaana umadda soomaaliyeed, iyo muslimiinta nool caalamka ay ugu hambaleynayaan farxada munaasabada Ciidul Adxa.

Sidoo kale Degmada Warsheekh ee katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa kamid ah meelaha maanta ay u tahay maalinta koowaad ee munaasabadda ciidul Adxa,isla markaana laga Oogay Saalada Ciidul Adxa.

Magaalada Muqdisho, inta badan gobollada Dalka, iyo wadamada islaamka ayaa maanta u dabaal-daya munaasabadda maalinta labaad ee Ciidul Adxa.