7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 29, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo hambalyada Ciidul-Adxa ka guddoomay madaxda dalalka Qatar, Turkiga, Jabuuti
 

Khamiis, Juun, 29, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Intii ay socdeen wada hadalada ayaa madaxweynayaasha waxa ay hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul Adxaa u direen Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen inay Soomaaliya u rajeynayaan horumar iyo barwaaqo, waxayna caddeeyeen inay garab taagan yihiin dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa carrabka ku dhuftay dadaalka ay dowladdu ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Soomaaliya garab taagnaa xilliyadii adkaa.

Turkiga, Qatar, iyo Jabuuti ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera dib u dhiska ciidamada Soomaaliya oo lagu wado in sanadka soo socda ay kala wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka ciidamada Midowga Afrika.

Maalintii Arbacada aheyd ayaa ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS waxa ay ku wareejiyeen labo saldhig oo kale, taasi oo ka dhigeysa afar saldhig oo ay ciidamada qalabka  Soomaaliya la wareegeen.

ATMIS oo la qorsheynayay inay la baxdo 2,000 oo askari dhammaadka bisha June iyada oo la raacayo qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa dib loo dhigay muddo 6 bilood ah, kaas oo dhigaya in ATMIS ay hakiso bixitaankeeda.