7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2023
Dagaal culus oo haatan ka socda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

Isniin, Juun 12, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in haatan uu halkaasi ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan socdo ku dhawaad 30 daqiiqo oo xariir ah, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dagaalkaan uu ka dhex qarxo ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo wali ka socda gudaha magaaladaaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.