7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2023
Raysal wasaare Xamse oo Maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka

Isniin, Juun 12, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo u yeeray Raysal wasaaraha si ay su'aalo u weydiiyaan.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Aadan Madoobe ayna goob joog ka ahayeen guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo xubnaha kale Guddiga Joogtada ah ayaa looga wada hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Hay'adaha Fulinta iyo Sharci dajinta dowladda Soomaaliya.

"Kulankan oo ahaa kan seddaxaad ee aan caadiga aheyn ayaa ajandihiisu ahaa su’aalo weydiinta Ra’isul Wasaaraha, waxaana warbixin looga dhageystay horumarada laga gaaray dagaalka Khawaariijta, gaarsiinta shacabka ee adeegyada Dowladda. Ra'iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga Joogtada wada-shaqeyntooda, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka.

Raysal wasaaraha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah, isagoona ka codsaday iney meel mariyaan shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay kor joogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuq maasuqa.

"Xubnaha Guddiga Joogtada iyo Ra'isul Wasaaraha XFS ayaa isku af gartay in golaha Wasiiradda ay u diyaar garoobaan hadii kulan warbixin iyo su’aalo weydiin loogu yeero wakhtiga ku haboon. Sidoo kale waxay ka wada hadleen in la wanaajiyo wada shaqeynta xildhibaannada iyo hay'adaha amniga isla-markaana la ilaaliyo xasaanada xildhibaanada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka.

Gabagabadii Raysal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada shaqeyntooda dhow, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha.