7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2023
Dowladda Soomaaliya iyo IMF iyo Bangiga Adduunka oo shir uga furmay magaalada Nairobi

Isniin, Juun 12, 2023 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay'adda Lacagta adduunka ee IMF iyo bangiga Adduunka, ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nayroobi.

Shirkaan ayaa wuxuu ku saabsan yahay barnaamijka Extended Credit Facility (ECF), ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Geedi socodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo 4 maalin socon doono ayaa  diiradda lagu saari doonaa arrimaha dakhliga gudaha, nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) Maamul wanaagga iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si ramsi ah u furay ayaa sheegay in looga hadli doono  horumarinta sare u qaadidda dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka Maamulka Maaliyadda Guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Dr.  Cilmi M. Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.