7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2023
Safaaradda Soomaaliya ee UK oo beenisay eedayn loosoo jeediyay
 

Isniin, Juun 12, 2023 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee UK ayaa beenisay eedayn loosoo jeediyay oo ku saabsanayd in dadka Soomaaliyeed ee ka safraya UK ay tahay in ay fasax ka qaataan safaaradda ka hor inta aysan safrin.

Safaaradda oo ka falcelineysay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka muwaadin Soomaaliyeed oo sheegay in dhowr qof oo Soomaali ah laga mamnuucay inay u safraan dalkooda, kaddib markii diyaaradda Qatar Airways ay dalbatay warqado fasax ah

Safaaradda Soomaaliya ee UK waxay sheegtay in aysan jirin qodob noocaas ah.

"Safaaradda Soomaaliya ee London kama aysan bilaabin ama uma baahna in qof u safraya Soomaaliya uu haysto warqad," ayay safaaraddu ku tiri qoraal ay so dhigtay barteeda twitter-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in shirkadaha diyaaradaha ay bishii April bartamaheeda dalbadeen in dadka safarka ah ee Soomaaliya u socdaalaya ay soo saaraan fiisaha, taasoo dhib ku noqotay dad badan oo doonayay inay dalkooda u safraan.

Mid kamid ah dadka isticmaala Twitterka ayaa axaddii sheegay in diyaaradda Qatar Airways ay ka mamnuucday qoys safrayay, kadib markii ay ka waayeen warqad caddeyn ah oo ay bixiso safaaradda Soomaaliya ee UK.

“Shardigan waxa uu dhaliyay jahawareer iyo niyad-jab baahsan oo soo wajahday muwaadiniinta British-ka ah ee qorsheynaya inay u safraan Soomaaliya,” ayuu yiri Fiidow oo ah muwaadinka kusoo eedeeyay safaaradda UK inay dadka kasoo tagaya UK ku xirto warqado fasax ah.