7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2023
Al-shabaab oo 5 ruux ku toogatay fagaare ku yaala degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool

Isniin, Juun 12, 2023 (HOL) - Dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool ku toogtay 5 ruux oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen jaajuusiin.

Kooxda ayaa fagaaraha toogashada ka dhaceysay ka sheegtay in shanta ruux oo dhamaantood rag ahaa lagu helay iney ahayeen basaasiin u shaqeynayay Sirdoonada Mareykanka iyo Itoobiya.

Shanta ruux ee lagu toogtay fagaaraha ku yaala degmada Tiyeglow ayaa magacayadooda lagu kala sheegay  Aweys Xaaji Xasan Liibaan oo da’diisu tahay 41 sano jir, Cabdiwahaab Cumar Mubaarak Lafoole oo da'diisu tahay 21 sano jir, Zakariye Yuusuf Xuseen oo da’diisu tahay 30 sano jir, Ibraahim Xassan Maxamed oo da’diisu tahay 49 sano jir iyo Maxamed Abuukar Cusmaan oo da’diisu tahay 34 sano jir.

Ragaan ayay Al-shabaab sheegeen in qaarkood ay ahayeen basaasiin waqti dheer lasoo shaqeynaayay Sirdoonada dowladdaha Itoobiya iyo Mareykanka, waxaana fagaaraha toogashada ka dhaceysay u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha degmadaasi.

Al-shabaab ayaa horay looga bartay iney deegaanada ay ka taliso ka fuliso xukuno dil ah oo ka dhan ah dad ay ku sheegaan iney yihiin basaasiin u shaqeeya Sirdoonada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladdaha Shisheeye sida Itoobiya, Kenya, Mareykanka.