7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 5 , 2023
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo sheegay in Laascaanood ay Al Shabaab joogto
 

Arbaco, Luulyo, 5, 2023 (HOL) - Xildhibaan Olivier Cadic oo ka tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo Somaliland booqasho ku jooga, ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo ku filan oo sheegaya in Al Shabaab ay joogto Laascaanood.

Cadic oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay xili uu dhamystay safar uu kusoo maray qaar kamid ah gobolada Somaliland ayaa sheegay in uu helay xog caddayn u ah in ururka Al Shabaab uu Laascaanood joogo.

"Waxan helay xog ku saabsan xaalada Laascaanood, waxa jira caddaymo ku filan oo muujinaya in ay ku jirto Al Shabaab, Al Shabaab kali ah khatar kuma aha Somaliland, waxay sidookale khatar ku tahay dunida dimuquraadiga ah oo dhan" ayuu yidhi Cadic.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Somaliland laga taageero in sidii looga adkaan lahaa Al Shabaab, si aanay Somaliland u wiiqmin, sida uu hadalka u dhigay.

"Waa in aynu Somaliland ka taageernaa sidii looga adkaan lahaa Al Shabaab, waana in aynu garab istaagnaa Somaliland si aan loogu samayn farogalin taban oo wiiqda" ayuu yidhi Cadic.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay tusaale u tahay adkaysiga, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in reer Somaliland si xora u nooladaan, waxa uuna sheegay in dagaalka hadu uu yahay mid ay Somaliland xoriyadeeda ku difaacayso.

Xildhibaanka oo safar gaaban ku yimid somaliland ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland iyo golayaasha sharci dajinta.