7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 5 , 2023
Ciidamada Danab iyo Gorgor oo howlgal wadajir ah ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Galcad
 

Arbaco, Luulyo, 5, 2023 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysnaa ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Danab iyo Gorgor ayaa la tilmaamay in lagu bur buriyey Saldhigyo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanada kala ah Ceel Cali, Afrax, Ceel Timir iyo Towfiiq oo ah dhamaantood deegaano hoostaga degmada Galcad.

Taliyaha Ururka 9-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen ayaa sheegay in ciidamada ay cagta mariyeen goobo ay kaga dhuumaaleysanayeen dhulka howdka ah ee hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud

Taliye Cabdiwali Axmed Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in wali ciidanka ay wadaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada hoostaga Galcad.

Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee laga xureeyay Ururka Al-sbabaab, waxaana degmadaasi dhowr jeer ka dhacay weeraro xoogan oo ay geysatay kooxda Al-shabaab oo isugi jiray qaraxyo Ismiidaamin ah iyo kuwa toos ah.