7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 5 , 2023
Kenya oo joojisay furitaanka xadka Soomaaliya sababo la xiriira khataro Alshabaab kaga yimid
 

Arbaco, Luulyo, 5, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaaqday inay dib u dhigtay in dib loo furo xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sababo la xiriira khataro dhanka ammaanka ah oo kaga imaanaya kooxda Al Shabaab.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya, Kithure Kindiki ayaa sheegay in qorshayaashii hore la joojin doono illaa laga takhaluso khataraha argagixisanimo, ka dibna labada dal ay ka wada shaqeeyaan.

“Labada dowladood waxay horey u bilaabeen wada hadalo lagu furayo xuduudaheena Kiunga, Liboi iyo Mandheera, balse dib ayaan u dhigi doonnaa qorshaha maadaama aan dhawaan aragnay kooxaha nabad diidka ah ee dalkeena ka jira, marka hore waan la dagaalami doonaa, kadibna dib ayaan u furi doonaa xuduudaha” Kindiki ayuu yidhi.

Hadalkan ayuu ka sheegay xerada qaxootiga ee Dhadhaab Arbacadii maanta isagoo ku guda jiray socdaalka joogtada ah ee uu ku marayo gobollada waqooyi si uu wax uga qabto weerarada kooxaha argagixisada.

Kindiki ayaa bishii May ee sanadkan ku dhawaaqay in Kenya iyo Soomaaliya ay go’aan ku gaareen in si rasmi ah ah loo furo xadka, 90-ka maalmood ee soo socda.

Kindiki wuxuu xaqiijiyay in dowladdu ay sii wadi doonto la shaqeynta dowladda Soomaaliya si loo horumariyo loona hirgeliyo habab iyo istaraatiijiyado wadajir ah oo wax looga qabanayo arrimaha dhaqaalaha bulshada iyo amni-darrada.

Hadalkiisa ayaa imaanaya saddex toddobaad kaddib markii Kenya ay aqbashay inay 90 maalmood gudahood si rasmi ah dib ugu furto xudduudaha ay la wadaagto Soomaaliya ee Mandheera, Lamu iyo Gaarisa.