7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 5 , 2023
Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo beeniyay inuu galay Musuq maasuq
 

Arbaco, Luulyo, 5, 2023 (HOL) - Xili dhowaan Xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka uu sheegay in lacag dhan 21 milyan oo dollar ay ka maqan tahay qasnada Dowladda, isla markaana xafiisyada ay ku maqan tahay uu ku jiro xafiis hoostaga hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka hadlay Agaasimihii hore ee had’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Dr Maxamed Aadan Jimcaale ( Koofi ).

Agaasimihii hore oo wareysi  siiyay Taleefishinka Universal, ayaa sheegay in inta uu xilka hayay ay wadeen dadaalo badan oo dalka lagu hormariyay, isla markaana arrinta la xiriirta Musuqa aysan ka warqabin, balse waxa uu tilmaamay haddii ay Dowladda Soomaaliya wax ka qabaneyso ay si daacad ah ay xogta u baarto.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la barro  Soomaalida, waxa uu yahay Musuqa, madaama musuqa uu noocyo badan yahay, sida mid hantida la xiriira, mid ku takriful awoodeed, isla markaana Dowladda looga baahan yahay in cadeyso midka ay la dagalameyso .

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan la siyaasadeen oo arrinta barista loo daayo hay’adaha ku shaqada leh waxa uu sidoo kale ka digay in madaxda  maalin walbo  marka ay ka hadlayaan arrinta ku sheegeyaan dadka xiran Tuuggo, kuwa la soo xiri doono ay yihiin Tuuggo, taasina ay tahay in xukunkii la riday sida uu hadalka u dhigay Agaasimihii hore.

“ Marka laga hadlayo Dowladda awooda  wey qeybsaneed, marka anigu waxaan aminsanahay wixii aniga laii dhiibay oo mas’uuliyad aheyd in iyada oo nabad qabta aan warejiyay, walina aan aaminsanahay aniga xafiiska aan ka soo shaqeeyay in lagu sheego Musuq, waan beeninayaa, wey dhici karaan shaqsiyaad, lakiin ma aheyn xafiis uu dhex mari karo Musuq, sababta oo ah shaqooyinkiisu ma aheyn shaqooyin hal 1 iyo 2 qof ay go,aan ka gaari karaan” ayuu yiri Agaasimihii ee hore ee hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Hadalka Agaasimihii hore ee hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan Eedeymo la xiriira Musuq maasuq loo xiray Agaasimihii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya.