7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 5 , 2023
Somaliland oo beesha caalamka la wadaagtay warbixin ku saabsan dagaalka Laascaanood

Arbaco, Luulyo, 5, 2023 (HOL) - Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadii Puntland ee ay tababareen Maraykanka iyo Imaaraatku iyo qaar kamid ah ciidankii Soomaaliya ee lagu tababaray Eriteriya ay ka dagaalamayaan Laascaanood.

Warbixin ay wasaarada gaashandhigu la wadaagtay beesha caalamka ayay ku sheegtay, in ciidamo kala duwan oo isugu jira argagixiso, ciidamo beleed, ciidamadii Soomaliya ee Eriteriya lagu tababaray iyo Puntland ay dagaalka ku jiraan, iyada si gaara uga hadashay ciidanka Puntland.

"Sirdoon ka yagu waxay xaqiijiyeen in ciidamada bada Puntland ee Imaraatku uu u tababaray in ay la dagaalamaan argagixisada iyo budhcad badeeda, in ay hada ku biireen isbahaysiga cadowga ah" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Somaliland ay walaac ku abuurtay ciidamda uu Imaaraatku tababaray iyo kuwo uu Maraykanku tababaray oo loogu talo galay argagixiso la dagaalanka in ay dagaalka ku jiraan.

Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in Somaliland ay u hogaansantay baaqyadii beesha caalamka, isla markaana ay ciidankeeda ka saartay Laascaanood, lakiin dhinaca kale ay diideen wadahadal isla markaana ay ciidankeeda kusoo qaadayaan weeraro is daba jooga.

Ugu danbayn, warbixintu waxay xustay in Somaliland ayna ka laba labayn doonin in ay is difaacdo si ay usoo afjarto waxay ugu yeedhay khatar, waxayna beesha caalamka ka codsatay in ay taageerto dadaalo ay Somaliland ku nabadaynayso Laascaanood.

Dhinaca kale, garaadada SSC ayaa iyagu dhankooda dalbanaya in Somaliland ay ciidankeeda gayso saldhiga Oog, sidaasi oo ay sheegeen in ay tahay sida kali ah ee xal lagu heli karo.