7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2023
Hoggaamiye Firdhiye: Talada SSC Khaatumo wax garaad tuurta ku qaato ka wayn
 

Khamiis, December, 21, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa kasoo horjeestay wararka sheegaya in Laascaanood ay dib ula midoobayso Maamulka Puntland.

Firdhiye oo la hadlay dadwayne soo buux dhaafiyay afaafka hore ee qasrigiisa Laascaanood oo doonayay in loo caddeeyo masiirka SSC Khaatumo, ayaa  sheegay in talada SSC Khaatumo anay ahayn wax fudud oo qof go'aan ka gaadhi karo.

"Talada SSC Khaatumo wax garaad tuurta ku qaato ka wayn, wax Cabdiqaadir ku talo bixikarayana maaha, talada SSC Khaatumo maanta waxay ka go'ada kii dhintay ee xabaasha lagu riday, waxay ka go'ada kii ki dhaawacmay, ka difaaca ku jiray ka go'ada" ayuu yidhi Firdhiye.

Firdhiye waxa uu sheegay in anay suurtagal ahayn in SSC Khaatumo lagu daro maamulka Puntland "Maamulkeena aan madaxda ka ahay, ma yeelayno, mana dhici karto in meel kale lala aado oo lagu daro" ayuu shacabka ugu laab qaboojiyay Hoggaamiye Firdhiye.

Firdhiye ayaa sheegay in shacabku ay talada masiirka SSC Khaatumo qayb ku yeelan doonaan oo la dhagaysan doono waxa ay qabaan, isla markaana go'aan cad oo deg deg ay ka soo saari doonaan waxa laga yeelayo masiirka SSC Khaatumo.

Dhinaca kale, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo kamid ah garaadada ugu waa wayn ee SSC Khaatumo, ayaa sheegay in garaadadu mawqifkooda caddayn doonaan mudo 48 saacadood gudaheed ah, garaadkii is caddayn waayana lala xisaabtami doono.

"48 saacadood ee soo socda garaad waliba wuu hadlayaa, garaadkii hadli waaya, ee mawqifkiisa caddayn waaya, Cabdiqaadir waxaanu leenahay adaa caddayntiisa lagaa doonayaa, hada talo ayaa loo fadhiyaa garaadadii oo dhan iyo isimadii oo dhan ayaa u fadhiya" ayuu yidhi Garaadku.