7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2023
Wasiiraddii Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta lagu aasay Muqdisho

Khamiis, December, 21, 2023 (HOL) - Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho Allah u naxariiste Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo Shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.

Qabuuro ku yaala Isbitaalka xooga dalka ayaa lagu aasay meydka Marxuumadda, waxaana Salaadii janaasada ku Tukaday madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha, Raysal wasaaraha, guddoonka baarlamanka, madax hore, xildhibaano, wasiiro ka tirsan dowladda, iyo dadweyne kale oo badan.

Madaxda Qaranka iyo dadweynahii kale ee ka qeybgalay Salaada Janaasada iyo aaska qaran ee loo sameeyay marxuumadda ayaa Alle uga baryay inuu ku arsaaqo naxariistiisa Janno.

Alle ha u naxariistee Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in marxuumadda labadii maalin ee lasoo dhaafay ay dareemeysay xanuun.

Marxuumada ayaa mudo ka badan 20 sanno ka mid aheyd masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, waxayna xilal kala duwan kasoo qabatay dowladahii kala duwana ee dalka soo maray 20-kii sanno ee lasoo dhaafay, islamarkaana si weyn uga dhex muuqatay saaxada Siyaasadda Soomaaliya.