7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2023
Garaad Jaamac: Qaddiyadda SSC khaatumo ha u baqina maamul baynu leennahay 700 qof ah ayaa u naf waayey
 

Khamiis, December, 21, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah golaha dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa hoosta ka xarriiqay in qadddiyadda SSC aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isagoo sheegay in 700 qof ay u geeriyoodeen in ay masiirkooda iyagu u taliyaan.

Garaadka oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dad doonaya xildhibaano oo kasoo jeeda SSC ay ku matalayaan maamul goboleedyada Puntland.

“Dadkani maamul buu leeyahay. Go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri garaad Jaamac Garaad Cali.”

Hadalka Garaad Jaamac ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegayay in garaadada SSC- Khaatumo ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Punland.

Dhinaca kale guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ayaa la sheegay inay qabteen araajida musharraxiin xildhibaan oo kasoo jeeda degaaanda SSC- Khaatumo.

Qaar kamid ah ayaa katirsan xubnaha golaha wasiiradda madaxweyne Deni, kuwaas oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland.