7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2023
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in howlgal ka dhacay Jubbada Dhexe lagu dilay 10 ka mid ah Al-shabaab
 

Khamiis, December, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal ay iska kaashadeen oo ka dhacay gobolka Jubadda Dhexe ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubno ka mid Ururka Shabaab oo isku aruursanaayay xadka ay wadaagaan gobolada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

"Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ayaa khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray waxyeelada shacabka u adeegsaday hawlgalka si loo dhabar jabiyo dhagartii Khawaarijta soo maleegtay, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah." Ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay in lagu burburiyay qorshihii kooxda Al-shabaab ay halkaasi ku maleegayeen, iyadoo aysan waxyeelo soo gaarin qof shacab ah.

17-kii bishaan ayay ahayd markii howlgal dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe lagu khaarajiyay horjooge sare oo ka tirsana kooxda Al-shabab, kaasoo lagu magaxaabi jiray Khaliif Daa’uud, islamarkaana loo yaqiinay Macalin Ayman.