7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2023
Ciidamada amaanka degmada Caabudwaaq oo gacanta ku dhigay hub sharci daro ah iyo dadkii watay
 

Khamiis, December, 21, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidamada amaanka ay maanta ka sameeyeen gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa howlgalka kusoo qabtay hub sharco daro aha iyo dadkii watay hubka, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug Qalbi Axmed Cali.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkii watay hubkaas lagu xiray saldhigga magaalada Caabudwaaq, islamarkaana la horkeeni sharciga.

"Ciidamada waxay ku guuleysteen inay in badan oo kamid dadkaas ay qoryihii kasoo xareeyaan, iyaga laftigoodana ay saldhigga keenaan oo ay kusoo xiraan. Dhalinyarada qoryaha wadata oo qaybo badan isugu jirta qaybo marka ay ciidanka u yimaadaan hubka ku wareejinaayo waan uga mahadcelineynaa, inta kale oo hartay waan rajeynayaa inay la shaqeeyn doonaan ciidanka” ayuu yiri Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Galgaduud Qalbi Axmed Cali.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan hubka sharci darada ah iney sii wadayaan.

“Cid laga ogolaan doono qoray sharci darro ah inay ku dhex wadato magaalada ma jirto, mana jiro doonto, maadaama waxa lagu sameeynaayo aysan aheyn wax sax ah” ayuu yiri Taliye Qalbi Axmed.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo deegaanada maamulka Galmudug maalmihii u dambeeyay ka dhacayeen falal amaan darro oo u badan dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka dhacay gobolada Galgaduud iyo Mudug.