7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2023
Jubbaland oo ku dhawaaqday iney u diyaar garoowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab
 

Isniin, December, 11, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa shaaca ka qaaday iney u diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah kooxda ee looga xureynayo deegaanada Jubbaland.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in maalmaha soo socda iney si rasmi ah u bilaaban doonaan howlgalada, islamarkaana howlgalada xoogooda ay ka dhici doonaan deegaanka Jubbooyinka.

"Howlgalada bilaabanaya dhawaan ee ka dhanka ah Shabaab waxaa hormuud u noqo doona madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay mudo bilooyin ah ugu sugnaa furimaha hore ee dagaalka Al-shabaab looga xureynayo dalka" ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ay ka mid ah yihiin meelaha ay wali ku xoogan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab inuu ka bilaabanayo deegaanada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.