7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2023
Ciidanka dowladda oo burburiyay Saldhigyo kooxda Al-shabaab ku laheyd gobolka Bakool
 

Isniin, December, 11, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ku yaala Koonfurta degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo la sheegay in mudooyinkii dambe halkaas ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Howlgaladaan ayaa waxaa hoggaaminaayay guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260-aad ee Onkod Macalin Aadan, kuwaas oo Warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalada lagu burburiyay Saldhigyadii kooxdu ku laheyd deegaanka Dhurey.

Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay haatan diyaar u yihiin ka qeybgalka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka bilaaban doona dhawaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Holwgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo mudooyinkii dambe hakad ku jiray ayaa hada waxaa muuqanaysa in markale ay dib uga bilaawdeen qaar ka mid ah gobolada dalka, xili wajiga labaad ee howlgalka la filayo in dhawaan uu si toos ah u bilaawdo.