7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2023
Xildhibaanno katirsan Puntland oo soo dhoweeyay go'aankii lagu laalay muddo korosigii baarlamaanka
 

Isniin, December, 11, 2023 (HOL) - Xildhibaanno katirsan baarlamaanka Puntland oo Garowe shir jaraa’id ku qabtay, ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan muddo kororsiga ay meel mariyeen xildhibaano iyaga katirsan.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale soo dhoweeyay go’aankii shalay kasoo baxay maxkmadda dastuuriga ah, taasoo burisay muddo kororsigaas. Waxayna sheegeen inuu yahay go’aan sax ah oo kusoo beegmay waqtigii loo baahnaa.

Xildhibaannada shir jaraa'id qabtay oo ka koobnaa in ka badan 10 xildhibaan, ayaa kasii digay kulan uu saakay gudddoonka baarlamaanku isugu yeeray xildhibaanada, waxayna sheegeen in aan loo baahnayn in carqalad siyaasadeed la galiyo Puntland.

Xidlhibaannadu waxay sheegeen in muddo xileedkoodii uu dhamaaday, sidaas darteedna aysan xaq u lahayn inay sii joogaan xafiiska, waxayna sheegeen iyagoo soddomeeyo ah inay horey u diideen muddo kororsiga.

Si kastaba aha ahaatee, guddoonka baarlamaanka ayaa xalay farriin usoo diray xildhibaannada, isagoo u sheegay in saakay la isugu yimaado kulan degdeg ah, oo aan la sheegin wax looga doodi doono.