7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2023
Shil gaari oo ay dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay magaalada Qabridahar ee Dowlad degaanka Soomaalida
 

Isniin, December, 11, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in shil gaari ka dhacay maanta magaalada Qabridahare, kaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac, sida ilo xogagaal ahi Warbaahinta u sheegeen.

Shilkan ayaa ahaa mid ay isku dhaceen Bajaaj iyo Gaadhi kale ayaa keenay dhimashada 2 gabdhood iyo dhaawaca hal Wiil, waxaana la sheegayaa in meydka gabadhaha iyo wiilka dhaawacmay la Geeyay Hospitalka magaaladaas Qabridahare.

Lama ogaan waxa sababay Shilkan, sidoo kalena Dowladdu wali kamaysan hadlin shilkan iyo waxa sababay, balse shilalka noocan oo kale ayaa ah kuwo aan ku badnayn magaalada, walaw geesta kale shilalka ay galaan Bajaajtu ay noqdaan kuwo keena khasaare badan.

Dadka reer Qabridahare ayaa dhinacooda ku tilmaamay shilkan mid aad u naxdin badnaa, maadaama gabdhaha ku geeriyooday shilkan ay ahaayeen Arday wax ka barta Jaamacadda Qabridahare, kuwaas oo lagu kala magacaabo Fardowsa Maxamuud Xasan iyo Bishaaro Budh-haye.