7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2023
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo sharci darro ku tilmaamay go'aankii maxkamadda dastuuriga ku joojisay muddo kororsiga baarlamaanka

Isniin, December, 11, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdidirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa diiday go’aankii maxkamadda sare Puntland ay ku laashay muddo kororsigii sannadka ahaa ee uu baarlamaanku sameystay.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa ku eedeeyay maxkamadda dastuuriga ah inay la safatay dhinaca xukuumadda madaxweyne Deni, isagoo sheegay in aan baarlamaanka lasiinin fursad ay ku difaacaan go’aanka ay qaateen.

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu kaloo sheegay in maxkamadda aysan u dhammayn go’aanka ay soo saartay, isagoo sheegay xubno gaar ah oo uu ku jiro guddoomiyaha maxkamaddu inay go’aanka soo saareen.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yimid, kadib markii baarlamaanku ku kala aragti duwanaaday go’aanka maxkamadda. Qaar kamid ah ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkmadda, iyagoo ku baaqay in golaha lasoo xiro.

Kulanka ayaa ku dhamaaday, iyadoo aan wax go’aan ah uusan baarlamaanku gaarin.