7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2023
Isimada SSC Khaatumo oo sheegay in ay diyaar u yihiin in nabad laga gaadho dagaalada gobolka Sool
 

Jimco, December, 1, 2023 (HOL) - Isimada Dhaqanka SSC Khaatimo, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in nabad laga gaadho dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanada Buqdharkayn iyo Yayle ee gobolka Sool.

Garaad Cabdiqani Garaad Soofe, oo kamid ahaa salaadiinta hadashay, ayaa sheegay go'aankii colaadeed ee ay soo saartay beesha bariga Burco, ay iyagu ka baydhayaan oo ay nabad ku baaqayaan.

"Hadal kale oo dardaaran ah oo odayaal nala mid ahi ay dadkooda kula dardaarmeen inagu dardaarankaa waa ka baydhaynaa, dadkayaga waxaanu kula dardaarmayna Soomaalidu ma kala adkaato, waxaanu idinkula talinaynaa dagaalkooda in aydaan jeclaysan" ayuu yidhi Garaad Soofe.

Waxay sheegeen in ay si buuxda u qaateen qodobka nabada taabanayay ee kasoo baxay shirka Burco, iyaga oo sheegay in loo baahanyahay in khasaaraha lagu joojiyo intii hore, isla markaana nabad buuxda la gaadho.

Iyaga oo ka jawaabaya qodobada siyaasada ku salka leh ee kasoo baxay shirka Burco ayay sheegeen in siyaasadu haday u kala soocan tahay iyaga iyo Somaliland oo ay dhisteen maamul gaar ah, loona baahanyahay in sida loo ogaado.

"Waxan leeyahay siyaasadu way inoo kala soocantahay hada, waxaanu dhisanay maamul anagu aanu leenahay, waxa aananu ka mid nahay Soomaaliya" Garaad Soofe ayaa sida yidhi.