7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2023
Kooxda Al-shabaab oo laba dhalinyaro ah ku dishay deegaanka Tayeeg ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, December, 1, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo laba dhalinyaro ah oo Xalay kooxda Al-shabaab ay ku dileen deegaanka lagu magacaabo Tayeeg oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Dilka labadaan wiil ee dhalinyarada ah ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay jidka u galeen laba wiil oo ku socdaalayay Mooto la sheegay iney kaga shaqeysan jireen deegaanadaas.

Wiilasha la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ciise Cabdi Xuseen iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed, lamana oga sababta rasmiga ah ee keentay in kooxda Al-shabaab ay dilaan labadan wiil ee ka mid ahaa dhalinyarada degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee dilka dhalinyaradaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhowr todobaad ka hor kooxda Al-shabaab ay sheegtay iney furtay isticmaalka wadada Laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan oo kooxda u xayirneyd in ka badan 10 sano.