7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2023
Amaro cusub oo la duldhigtay duulimaadyada diyaaradaha gudaha dalka

Jimco, December, 1, 2023 (HOL) - Hay'adda Duulusta Hawada iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa soo saartay amaro adag oo la xariira hanaanka shaqo ee diyaaradaha u duula gobolada dalka.

Amarada kasoo baxay hay'adda ayaa yimid, kadib markii dadka rakaabka ah ee u safra gudaha dalka ay kasoo cawdeen habka shaqo ee duulimaadyada gudaha dalka, sida ay hay'addu ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Hay'adda ayaa Duulista Hawada ayaa fartay Shirkadaha diyaaradaha ineysan rakaabka saacado farabadan ku hayaan karin gudaha garoonka, islamarkaana aysan dadka soo xareyn karin iyadoo aysan diyaar aheyn diyaaradii qaadi laheyd.

Duulimaadyada diyaaradaha u safra dhamaan gobolada dalka ayaana laheyn jadwal saxan oo la xariira waqtiga ay duulayaan, waxaana marar badan dhacda in dadka rakaabka ah waqti ku dhaw 10 saacadood ay dhex fadhiyaan garoonka, taasoo ay usii dheer tahay in mararka qaar ayba baaqato diyaaradii ay raaci lahayeen.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Hay'adda Duulista Hawada oo dhameystiran:-