7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo ka timid dowladda Ruushka
 

Jimco, December, 1, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kala wareegtay dowladda Ruushka gargaarkii ugu badnaa ee loogu talo galay dadka ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha is barbar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Gargaarkaan ay kala wareegtay dowladda Soomaaliya dalka Ruushka ayaa ka kooban 25-kun oo tan.

Safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal, isagoona intaa raaciyay in bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.

‘’ Tani waa bilowga shixnado gargaar oo ka kooban 25-kun oo tan oo qamadi ah, taas oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale, waxaa markale gargaar kan la mid ah keeni doonaa daba-yaaqada bisha December,” ayuu yiri Safiirka dalka Ruuska u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnada gargaarka ah ayaa ka mahadceliyay, isagoona sidoo kale ka dalbaday xukuumadda Moscow iney ugu deeqdo diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan.

‘’ Gargaarka dowlada Ruushka inoogu deeqday waxa uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, waxaana kala hadli doonaa sidoo kale in ay noogu deeqaan diyaarado aan gargaarka ku gaarsiino dadka go’doonsan, gargaarkaan waa kii ugu badna oo ina soo gaara tan iyo markii ay bilawdeen daadadka iyo fataahada saameynta badan ku yeeshay dadkeena Soomaaliyeed" ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Si kastaba ha ahaate dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii gurmad heer caalami ah ugu heli laheyd Shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bani'aadanimo ee ka dhashay daadad iyo fatahaadaha.