7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2023
Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha oo ku dhawaaqay dagaal cir iyo dhul ah oo ka dhan ah Al-shabaab
 

Jimco, December, 1, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha ahna madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay dib ugu soo laaban hayaan deegaanadii laga xureeyay sanad ka hor.

Cali Jeyte oo goob fagaare ah kula hadlaayay dadka weyne farabadan ayaa wacad ku maray in kooxdu ay ku qaadi doonaan dagaal cir iyo dhul ah, islamarkaana loo baahan yahay dadka suguna deegaanada Shabaab ay joogaan iney isaga soo tagaan.

“Kuwa dhex degan waa ku dhex duqeynayaa ma qarinayo taas, hadii aan dadkaas ku dhex duqeyn waayo waxaan ka shaqeeyaa waxa uu Shabaab ka shaqeynayo ee baadilka ah" ayuu yiri hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha Cali Jeyte Cismaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Jeyte ayaa noqonaya digniintii labaad oo mudo kooban gudaheed uu u dirayo dadka shacabka ah ee ku nool dhulka Al-shabaab ka taliyaan, isagoona faray iney isaga guuraan deegaan kasta oo kooxdaas ay joogto oo uu xusay inuu yahay bartilmaameed halis ah.

Hogaamiyaha Macawiisleeyda ayaa sidoo kale sheegay in wadada isku xirta Baledweyne iyo Buulaburte ay tahay mid uu isaga xureeyay, islamarkaana aysan jirin wararka sheegaya in Al-shabaab xayiraadii ka qaadeen wadada xiriirisa Beledweyne iyo Buulaburte.

“Markii aan ka xoreynay ayey leeyihiin jidkaas waan furnay oo maxay markii hore u xirteen 15 sano ayey go’doon ku hayeen, hadey wax furayaan maxay intaas ugu dhibayeen shacabka” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Hadalkaan kasoo yeeray hoggaamiyaha ciidan difaaca dadweynaha ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay uu gaabis xoogan ku yimid howlgalada ka dhanka ahaa kooxda Al-shabaab ee ka socday inta badan gobolada dalka.