7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2023
18 dagaalame oo katirsan Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose
 

Sabti, Agoosto, 12, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ka dhan ah Alshabaab, waxay ka fuliyeeen deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

Ciidamada ayaa weeraray dagaalamayaal katirsan Alshabaab, kuwaas oo dowladdu ay sheegtay in ay si dhuumaalaysi ah isugu aruursanayaan beero ku yaalla deegaanadaas.

Weerarkaas ayaa lagu dilay 18 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, sida saraakiil ka tirsan ciidanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda.

Goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka dowladda kuwaasi oo ku daba jooga firxadkii Alshabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aaday saacado kadib markii ciidanka dowladdu ay sidoo ay howlgal qorsheysan ku beegsadeen xarumo kala duwan oo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Buulo fulaay ee gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka lagu beegsaday saddex xarumood oo kala ah, Xafiisyo maamul, garaash lagu diyaarinaayay gadiid qaraxyo ah iyo goob la sheegay inay isbaaro u taalay Alshabaab.

Howlgalkaan ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay 23 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo askar ku sugnaa xarumaha la weeraray.