7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2023
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dagaalkii shalay lagu laayay askarta booliiska ah

Sabti, Agoosto, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa jabahada Gacanlibaax ugu baaqay nabad, isaga oo xukuumada ku eedeeyay in ay samaysay falal amni daro keenaya.

Faysal ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Somaliland la dumiyo, isaga oo ku baaqay in xabada la joojiyo, oo si nabad ah lagu dhameeyo waxkasta, dhica kale go'aanada xukuumada ee doorashooyinka ku aadan ayuu sheegay in ay yihiin qaar amni daro abuuraya.

"Markastaba nabad ayaanu ku baaqaynay, markastaba waxay samaynayeen wax nabada kasoo horjeeda, kow waxa uu sameeyay kordhis aan loo baahnayn oo aan sharci ahayn, hadana wuxuu ku dhawaaqay go'aan koomiishan u gaar ah" ayuu yidhi Faysal.

Madaxda ururada iyo xisbiga Waddani ayaa iyaguna dhankooda ku baaqay in colaada nabad lagu dhameeyo, iyaga oo jabhada ugu baaqay in ay hubka dhigto.

Jabhada ayaa shalay weerar ku dishay 9 askari, iyaga oo dhaawacay 17 kale, sida uu taliyaha booliisku sheegay.