7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2023
Dagaal culus oo Maanta ku dhexmaray deegaanka Basra ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab

Sabti, Agoosto, 12, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Basra oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kaaso dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerareen Saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Basra.

Dagaalka ayaa dadka deegaanka waxay sheegeen inuu ahaa mid aah u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, hayeeshee aanan wali la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Basra.

Waxaa sidoo kale ay tilmaameen dadka deegaanka in dagaalka uu ahaa mid dhexmaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya oo dhinac ah iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen iney iska difaaceen weerarka kaga yimid kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen kooxda, walow aysan carabaabin inta uu dhan yahay khasaaraha

Deegaanka Basra ee Maanta uu dagaalka ka dhacay ayaa ka mid ahaa deegaanada laga faramaroojiyay kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku laheyd maxkamado ay ugu yeeri jireen dadka ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda, islamarkaana ay sidoo kale deegaanka kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.