7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2023
Howlgal lagu dilay horjoogayaal iyo askar ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Baay
 

Sabti, Agoosto, 12, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta sameeyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday xarumo kala duwan oo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Buulo fulaay ee gobolka Baay.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday sadax xarumood kala ah, Xafiisyo maamul, garaash lagu diyaarinaayay gadiid qaraxyo ah iyo goob la sheegay iney isbaaro u taalay kooxda.

Howlgalkaan ayay dowladda Fedaraalka sheegtay in lagu dilay 23 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo askar ku sugneyd xarumaha ciidanka ay bartilmaameedsadeen.

"Hawlgalka koowaad waxa uu ka dhacay goob isbaaro ay u taalay Khawaarijta oo ku taalla afaafka hore ee Magaalada. Hawlgalka labaad waxa uu ka dhacay Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarisay Qaraxyo kuwaas oo goobta lagu burburiyay. Kan sadexaad waxaa lagu beegsaday Goob Khawaarijta u ahay Xafiisyo Maamul oo ay ku sugnaayeen Koox horjoogayaal ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Howlgalkaan Maanta ka dhacay deegaanka Buulo fulaay ayaa noqonaya kii sadaxaad oo noocaan ah oo bishaan gudaheeda ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku beegsadaan xarumo kala duwan oo kooxda ay ku diyaarineysay gaadiid qaraxyo ah, waxaana howlgaladii ka horeeyay ee ceynkaan oo kale ah ciidamada ay ka fuliyeen todobaadkii lasoo dhaafay deegaanada Mukeyle iyo Galhareeri oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.