7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2023
Cabdiraxmaan Cirro: Kursiga aan doonayo waxa igala qiimo badan dhiiga hal muwaadin
 

Sabti, Agoosto, 12, 2023 (HOL) - Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay weerarka la sheegay in jabhada Gacanlibaax ku qaaday ciidan booliis ah, ayaa ku baaqay in arrinta nabad lagu dhameeyo.

Cirro oo ku sugan magaalada Borama, ayaa sheegay in uu kasoo horjeedo in xabad wax lagu doono, jabhada ayuu ugu baaqay in ay hubka dhigaan, sidookale xukuumada ayuu ugu baaqay in ay ciidanka ka qaado aaga jabhadu joogto.

"Annagu waanu ka soo horjeednaa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is muquunin ... waxan ugu baaqayaa in madaxweynuhuna ciidankiisa ka qaado, shacbiga hubaysana waxan ugu baaqayaa in ay qoryaha dhulka dhigaa" ayuu yidhi Cirro.

Cirro waxa uu sheegay in aanu rabin in damiciisa madaxweynenimo uu dhiig ku daato "Aniga shakhsiyan kursiga aan doonayo ee madaxweynaha, waxaa igala qiimowayn dhiiga hal muwaadin oo daata, xisbigu wuxuu u taaganyahay nabad, wadajir iyo midnimo" ayuu yidhi Cirro.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isna goordhawayd warbaahinta la hadlay, ayaa Cirro ku eedeeyay in nabadu xagiisa ka xidhmi wayday, isaga oo sheegay in rag ka agdhow Cirro ay jabhada hogaaminayaan.

Sida xukuumadu sheegtay jabhada ayaa maanta 9 askri ku dishay, 17 kalena ku dhaawacday weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen ciidamo booliis ah oo safar ahaa, agagaarka degmada Goda-yar ee gobolka Saaxil.