7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2023
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay hoobiye ku dhacay guriga wasiirka batroolka Soomaaliya
 

Axad, April, 9, 2023 (HOL) - Mid kamid ah hoobiyayaal caawa lagusoo tuuray magaalada Muqdisho ayaa haleelay guriga Wasiirka Batroolka Soomaaliya, xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in laba qof ay dhinteen oo uu ku jiro mid kamid ah ilaalada wasiirka batroolka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo Alshabaab ka saartay dhul baaxad wayn ku fadhiya, weli kuma guulaysan amniga caasimadda gaar ahaan hoobiyayaasha mar walba lagusoo tuuro magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa muujineysa xaaladda amni ee Muqdisho, iyadoo Al-Shabaab ay u suurtagashay in ay qalqal galiyaan amamanka magaalada, xilli dowladdu isku diyaarinayso inay sugto amniga Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa kusoo aaday xilli galabta Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay Muqdisho ka dhaqan gashay xakamaynta hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wasiir u dowlaha amniga ayaa sheegay in dowladdu ka mamnuucday Muqdisho in lagu dhex sito qoryaha nuucyadooda kala duwan iyo gaadiid ciidan oo aan shaqo ku jirin.