7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2023
Canada oo ballan qaaday in ay gargaar bini’aadantinimo u fidin doonto Soomaalida ku dhibaateysan dalkeeda

Axad, April, 9, 2023 (HOL) - Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku caawineyso dadka danta yar ee ay ku adagtahay in ay maareeyaan noloshooda iyo guryahooda kadib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha kirada iyo xaaladaha kale ee adag.

Dhibaatooyinka ay la kulmaan dadkan jilicsan ee ka kala yimid wadamo kala duwan laakiin haysta sharciga Canada ayaa bilaabay ka dib markii uu saameyn xun ku yeeshay cudurka Covid-19 kaas oo xaddiday dhaqdhaqaaqa dadka iyo hoos u dhigista shaqooyinka adduunka oo dhan.

Wasiirka Qoyska, Carruurta iyo Horumarinta Bulshada ee Canada, Karina Gould ayaa sheegtay in dowladdu ay si dhow ula socoto qoysaska jilicsan ee aan awoodin inay helaan nolol maalmeedka, maadaama uu socdo qorshaha lagu taageerayo.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Canada oo uu saameeyay cudurkan, isla markaana dowladda ka sugayo gargaar ayaa sheegay in qiimaha kirada guryaha ay sare u kacday sanadihii u dambeeyay, welina ay jirto shaqo la’aan.

Waxay intaa ku dareen in ka hor inta aan la helin faafitaanka Covid-19 ee sababay in dad badan ay shaqo la'aan noqdaan, kiradu waxay ahayd $ 1,000 ilaa $ 1,500 laakiin hadda kan ugu hooseeya waa ugu yaraan $ 2,000.

Dad badan oo Canada ku nool ayaan awoodin inay iska bixiyaan kirada guriga waxayna la kulmeen xaalad kale oo adag maadaama ay markii horeba la ildarnaa shaqo la’aan ayna awoodin inay daboolaan kharashaadka qoyskooda.

Canada ayaa ballan qaaday in ay gargaar bini’aadantinimo u fidin doonto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee ku nool dalka Canada oo ay la kulmaan xaalado adag oo kala duwan.