7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2023
Wasiirada xukuumada Somaliland oo mushaarkii laga jarayo dagaalka Laascaanood awgii

Axad, April, 9, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in mushaarka laga jarayo golaha wasiirada si dagaalka Laascaanood loogu galo dhaqaale yaraan awgeed.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in ay mushaarkoodi ugu deeqeen in lagu galo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

"Waxa weeyaan bajedkii waa la jarayaa, xataa mushaarkii waxa la jaraya wasiirada, oo aanu ku deeqayna in aynu dagaalka kaga qaybgalo" ayuu yidhi Wasiir Iimaan, oo sheegay in dhaqaale yaraani jirto.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in xata la joojiyay mashaariicdii horumarinta"Mashaariicdii oo dhan waa la joojiyay, lakiin wasaarada beeraha oo kale iyo wasaarada xannaanada xoolaha oo wakhtigeedii taaganyahay waxyar ayaa naloo ogolaaday".

Wasiir Iimaan waxa uu sheegay in ilo dhaqaale oo badan  oo Somaliland lahayd ay waxyeelo soo gaadhay, sida dekedda Berbera oo suuq xumo soo wajahday, suuqii Wajaale oo isna xumaaday iyo gubashadii suuqa Waaheen oo dhibaato dhaqaale dhalisay.

Kadib saamayntii dhaqaale ee ay sababeen xanuunka Covid19 iyo gubashadii suuqa waheen, markale waxa dhaqaalaha Somaliland hoos u dhigay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, oo sabababay in ay istaagaan ilo dhaqaale oo muhiim ahaa.