7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2023
SSC- Khaatuma oo si rasmi u joojisay ganacsigii ka dhaxeeyay degaannada Somaliland iyo SSC

Axad, April, 9, 2023 (HOL) - Golaha SSC-Khaatuma ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqeen in gebi ahaanba la joojiyay ganacsigii isaga kala gooshi jiray degaannada SSC iyo Somaliland.

Warsaxaafadeed ay qabteen xubno kamid ah guddiga SSSC- Khaatuma ayaa waxay ku sheegeen in laga billaabo 15-ka bishaan uusan jiridoonin ganacsi isaga gooshi doona degaannada SSC iyo Somaliland.

Tallaabooyinkan waxaa kamid ah, iyadoo la mamnuucay gaadiidka rakaabka ee isaga kala goosha labada dhinac. Arrintaas oo keenaysa inuu istaagto isku socodka dadweynaha labada dhinac.

Sidoo kale, SSC-Khaatuma ayaa degaannadooda ka mamnuucay hay’adaha fadhigoodu yahay Somaliland, kuwaas oo ay uga digeen inay yimaadeen degaannada SSC.

Go’aankaan kasoo baxay SSC- Khaatuma ayaa sabab looga dhigay waxay ugu yeereen duullaanka iyo xasuuqa Somaliland ay ka waddo Laascaanood.

Awaamiirtan ayaa qeyb ka ah natiijada ka dhalatay colaadda ka aloosan gobolka Sool, taasoo u muuqata mid sii kala fogeysay bulshada labada dhinac.

Ganacsatada Puntland iyo Somaliland ayuu si toos ah u saamayndoonaa go’aannada SSC-Khaatuma kasoo baxay, maadaama labada dhinac uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo weyn.