7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2023
Madaxweynaha Somaliland iyo urur siyaasadeedyada oo yeeshay kulan ku saabsan xaalada Laascaanood

Axad, April, 9, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland ayaa 10-ka urur siyaasadeed la yeeshay kulan u muuqday in uu taageero ugu raadinayo qorshaha xukuumada uga yaal xal u helista colaada Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxday Kulanka dhexmaray madaxweyne Biixi iyo madaxda ururada siyaasada, ayaa lagu sheegay in ururadu ay xukuumada ku garabtaaganyihiin talaabo kasta oo xal loo arko.

"Waxa ay xuseen inay difaaca dalka ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood ay kala qayb-qaadanayaan xukuumadda" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda.

Hoos ka dheeho war-saxaafadeeda oo faah faahsan:-