7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 19, 2022
Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in ciidankii loo qaaday Eratariya ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrayga
 

Talaado, Luulyo, 19, 2022 (HOL) - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo Maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka sheegayay in ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eratariya ay ka qeyb galeen dagaaladii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo Jabhada hubeysan ee TPLF.

“ Waa been in ciidamada Soomaaliya ee Eriteriya tababarka loogu qaaday ay ka qayb galeen dagaaladii Gobolka Tigray wayna badqabaan waxayna ku soo laabanayaan dalkooda” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar.

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sidoo kale beeniyay warar soo baxay mudooyinkii dambe oo iyana sheegayay in ciidanka ku maqan dalka Eratariya loo haysto lacago madax furasho ah, isagoo wararkaasi ku sheegay iney yihiin kuwa been abuur ah oo ku jira Suuqa.

Ciidanka tababarka loogu qaaday Eratariya ayaa mudo labo sano ka badan warkooda la weysana, waxaana mudadaasi dhacay banaanbaxyo ay dhowr jeer ay sameyeen waalidinta dhashay dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eratarya, waxaana warkooda si faahfaahsan loo helay marki maxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 9-kii bishaan Luulyo 2022-ka safar ku tagay dalka Eritrea , isagoona ku booqday xeryaha ay ku jiraan kuwaas oo markii ugu horreysay ka soo muuqday warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan beeninta ah ee kasoo baxay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanaya xili madaxweyne Xasan Sheekh inta aanan la dooran ka hor uu dhaliilo adag hawada u mariyay dowladii ka horeysay oo uu ku eedeyn jiray iney dayacday dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalkaasi Eratariya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]