7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 19, 2022
Xisbiga Kulmiye oo ka jawaabay eedaynta mucaaradka Somaliland

Talaado, Luulyo, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in wadahadaladii oo aan wali laysla meel dhigin madaxda mucaaradku warbaahinta la hadleen, isla markaana yidhaahdeen way burbureen wadahadaladii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in madaxda axsaabta mucaaradku saaka la kulmeen guddida dhexdhexaadinta, kadibna ay warbaahinta la hadleen iyadoon waxba laysla meel dhigin.

"Saaka labada guddoomiye madaxweynaha ayay u yimaadeen, waxay yidhaahdeen anaga labadii xisbi way noo yimaadeen ... saaka markii laysku yimid shirjaraa'id ayay qabteen, odayadiina waxay ku yidhaahdeen maxad noo haysan way ka tageen, kadibna waxay yidhaahdeen labadii nin ee uu madaxweynuhu u yeedhay" ayuu yidhi Kaahin.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu soo afjaray wadahadaladii u socday mucaaradka iyo muxaafadka, isaga oo kalsoonidii kala noqday guddida dhexdhexaadinta oo ka koobnayd guddoomiyayaasha guurtida iyo golaha wakiilada.

Wali guddoomiyayaasha guurtida iyo wakiiladu kama hadal eedaha labada dhinac isku jeedinayaan iyo halka xaalku marayo midna.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]