Hiiraan Online
1/16/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, July 19, 2022
Maraykanka oo soo dhoweeyay heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Kenya
Talaado, Luulyo, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, kaas oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo horey u xumaaday afartii sano ee lasoo dhaafay.
“Waa wax lagu farxo warka sheegaya in Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xiriirkooda laba geesoodka ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ka caawiya dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabab iyo arrimaha gargaarka.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa jimcihii lasoo dhaafay heshiis ka kooban kow iyo toban qodob ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen in dib loo billaabo dhoofinta Qaadka Miirowga iyo qodobo kale oo furida xuduudaha ay ku jireen.