7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 19, 2022
Mucaaradka Somaliland oo war kasoo saaray wadahadaladii ay la lahaayeen xukuumada
 

Talaado, Luulyo, 19, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba burbureen wadahadaladii u socday iyaga iyo xukuumada Somaliland, ee lagaga arrinsanayay khilaafka doorashooyinka.

Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu gabi ahaanba ka baxay wadahadaladii socday, isla markaana uu dhagaha ka furaystay odayaashii dhexdhexaadinayay.

"Waxaanu u tagnay labadii oday, waxaanu way diinay halka ay wax marayaan iyo natiijaada ay noohayaan, waxay nagu yidhaahdeen labadii oday najiito kalamanaan iman madaxweynihiiye wuxuu yidhi sharci ayaan taaganahay, markaa kalsooni muu siin, kalsoonidii uu markii hore siiyayna wuu kala noqday" Waxa sidaa yidhi guddoomiye Xirsi.

Talaabada madaxweynaha ayuu guddoomiye Xirsi ku tilmaamay in ay tusinayso in anay jirin cid uu madaxweynuhu ku kalsoonyahay, oo dhexdhexaadinkarta, madaama oo uu guddidii dhexdhexaadintana kala diray, guddoomiyayaashii golayaashana uu balantii kaga baxay.

Guddoomiye Faysal ayaa isna sheegay in madaxweyne Biixi uu kalsoonidii kala noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo uu isagu doortay in ay dhexdhexaadiyaan, mucaaradkuna ogolaaday.

"Saaka 10:00 AM waxaanu u tagnay labadii oday ee uu madaxweynuhu doortay in ay na dhexdhexaadiyaan, oo ay shalayto is arkeen, maxad noo haysan ayaanu nidhi, waxay ku jawaabeen anaga madaxweynuhu kalsooni namuu siin" ayuu yidhi Faysal.

Xukuumada Somaliland iyo labada guddoomiye ee dhexdhexaadinta ku jiray wali kama hadal wadahadalada ay mucaaradku sheegeen in ay burbureen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]