7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 19, 2022
Afhayeenka TPLF oo sheegay in TPLF ay magacawday guddi wadaxaajood lagali doona dowladda Itoobiya

Talaado, Luulyo, 19, 2022 (HOL) - Afhayeenka TPLF Getachow Reda oo AFP la hadlayay ayaa sheegay in Jabhadda TPLF ay diyaarisay guddidii wadaxaajoodka la gali lahaa dowladda Itoobiya.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaad ka hor ay xubnihii dhanka dowladda Itoobiya uga qayb gali lahaa wada hadalkan ay daraasad ku sameynayeen qaabkii wada hadal loola gali lahaa Jabhadda TPLF.

Balse waxaan la saadaalin karin sida uu ku qabsoomi karo wada hadalkan labada dhinac, iyadoo ilaa haatan ay ku kala duwan dhinacyada wada hadli raba ciddii dhex dhexaadin lahayd wada hadalkooda, dowladda Itoobiya ayaa ku adkaysanaysa in wada hadalka ay dhexdhexaadiyaan Midowga Afrika, halka TPLF ay rabaan kaliya inuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu garwadeen ka noqdo wada hadalka dhex mari doona iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Afhayeenka TPLF ayaa mas'uuliyad darro ku tilmaamay in Midowga Afrika loo xilsaaro hanaanka wada xaajoodka ee Itoobiya iyo TPLF, isagoo intaa ku daray in wada hadal kasta oo loo xilsaaro Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta uu noqonayo mid midho dhal ah.

Guddida dhanka dowladda Itoobiya uga qayb gali doona wada hadalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra'iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonin ahna Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya, dhanka TPLF maysan caddayn cidda hoggaamin doonta guddida ay u magacaabeen wada hadalka iyaga iyo dowladda Itoobiya dhex mari doona.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]