7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti


Sabti Luulyo, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kasoo laabtay safar uu shalay ku tagay dalka Kenya, ayaa isla galabta gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo soo dhowayn ka helay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sheegay in booqashadiisa ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha Jabuuti. Sidoo kale wuxuu hadal ka jeedin doonaa xarunta Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog warramo xaaladda Soomaaliya iyo daruufaha ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xafiiska jooga muddo labo bilood ah, wuxuu u safray illaa shan waddan, oo kala ah; UAE, Turkey, Eritrea. Kenya iyo Jabuuti oo hadda uu ku sugan yahay.

Madaxweynaha waxa uu dalalka uu tagay lasoo saxiixday heshiisyo is afgarad ah oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaas.