7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2022
Dayuuradda Airbus A320 ee Sharikadda Freedom Airlines oo duulimaadkeedii ugu horeeyey bilowday

Sabti Luulyo, 16, 2022 (HOL)- Shirkadda Freedom Airline ee uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay ku bilaabay dayaaradda qaadka weyne ee Airbus A320.

Dayuuraddaan A320 oo ay dhawaan Freedom Airline soo iibsatay ayaa shalay duulimaadkeedii ugu horeysay ku tagtay magaalada Muqdisho, ayada oo soo qaaday Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo socdaal ku joog dalka Kenya.


Duuliye sare Ibrahim Mahad oo ka mid ah duuliyaasha Freedom Airlines ahna madax qaybta duuliymaadyada ee sharikadda ayaa ku tilmaamay in dayuuraddaan A320 qayb-weyn ka qaadandoonto sidii loo haqab-tiri lahaa baahida loo qabo duulimaadyada fog.


Khadka ugu horeeya oo ay bilaabi-doonto ayaa la filayaa in uu noqndoona  Dubai - Hargeysa iyo Dubai - Muqdisho oo hadda ay baahi-weyn ka jirto.

Freedom Airlines waxaa la aasaasay sanadkii 2008-dii waxaana aasaasay shakhsiyaad ganacsato ah, waxayna noqotay mid ka mid ah shirkadaha si weyn uga duula gudaha dalka Soomaaliya.