7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2022
Faahfaahin ku aadan heshiiska ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya
 

Sabti Luulyo, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa heshiis ka kooban kow iyo toban qodob ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay labada dowladdood, madaxdu waxay isku afgarteen in dib loo bilaabo duullimaadyadii tooska ahaa ee diyaaradda Kenya Airways ee Muqdisho iyo Nairobi, in ganacsatada Soomaaliyeed loo ogolaado inay galaan suuqyada Kenya iyo dib u soo celinta dhoofinta Qaadka Miirowga.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ku heshiiyay in xuduudaha labada dal la furo, isla markaana fiisaha dadka sita baasaboorka labada dal marka ay yimaadaan la bixiyo, halka codsiyada fiisaha ee qaybaha kale ee baasaboorka lagusiiyo 24 saac gudahood.

Halkaan ka akhriso qodobada lagu heshiiyay.

In xiriirka labada dal, iyo wada noolaanshaha wadajirka ah ee ka dhexeeya shacabka Kenya iyo shacabka Soomaaliyeed ay sii xoojiyaan danaha labada shacab.

In Kenya iyo Soomaaliya ay iska kaashadaan hay’adaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay uga wada shaqeeyaan sidii loo gaarsiin lahaa gargaarka bini’aadanimo ee degdegga ah si loo yareeyo saameynta abaarta hadda ka jirta gobolka.

In dib loo bilaabo duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways ee isaga kala goosha Nairobi iyo Muqdisho, si degdeg ahna loo dhaqan geliyo iyadoo lagu salaynayo Heshiiskii Adeegga Hawada ee labada dal (BASA) oo ay dib u eegis ku sameeyeen kooxo farsamo oo ka kala socday labada dal.

In dib u eegista lagu sameeyay heshiiska hawada ee labada dal, ay si degdeg ah u saxeexaan wasaaradaha ay khusayso ee labada dal, si degdeg ahna loogu ogolaado dib u bilaabista duulimaadyadii Kenya Airways ee u kala gooshayay Kenya iyo Soomaaliya.

In wax soo saarka Kalluunka ee Ganacsatada Soomaaliyeed si deg deg ah loogu ogolaado in ay galaan Suuqyada Kenya. In dib loo bilaabo ganacsigii qaadka (miraa) ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya, weliba in si degdeg ah loo dhaqan geliyo.

In fiisaha dadka haysta Baasaboorka Diblomaasiga ee labada dal la bixiyo marka ay ka soo degaan Kenya iyo Soomaaliya. Codsiga fiisaha ee qaybaha kale ee dadka baasaboorka sita waa in lagu farsameeyaa 48 saacadood gudahood.

In furitaanka xuduudka labada dal ay ka qayb qaataan hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh labada dal si loo fududeeyo isu socodka dadka, badeecadaha iyo adeegyada, korna loogu qaado ganacsiga labada dal.

In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga ee Kenya iyo Soomaaliya (JCC) ay isugu yimaadaan Muqdisho Ogosto, 2022, oo ay kawada hadlaan arrimaha danaha labada dhinac oo ay ka mid yihiin hawlaha amniga wadajirka ah, difaaca, beeraha, ganacsiga, isdhaafsiga sirdoonka, caafimaadka, waxbarashada, tababarrada dhinacyo kala duwan iyo dib u eegis joogto ah oo ku saabsan nidaamka fiisaha, ayaa si weyn looga doodi doonaa oo lagu heshiin doonaa.

In labada mas’uul ay isku xilqaameen sii wadida xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

In Wasaaradaha Arrimaha Dibeddu ay soo gudbiyaan maqaamka ay yeelanayaan dhaqan gelinta qodobadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne muddo laba toddobaad ah oo ka bilaabmaysa taariikhda qoraalkan.