7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2022
Ergayga abaaraha Soomaaliya oo soo dhoweeyay heshiiska furitaanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya
 

Sabti Luulyo, 16, 2022 (HOL) - Ergayga abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista dib u furista xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay wanaajinayso in gargaar bani'aadanimo la gaarsiiyo dadka u baahan.

Ergayga oo bayaan soo saaray, ayaa ka codsaday hay’adaha ay khusayso fulinta heshiiskan, inay qaadaan tallaabada dib loogu furayo xuduudka.

“Tani waxay nafis aad u weyn u tahay dadaalkayaga lagu badbaadinayo nolosha waxaana hubaal ah inay muhiim u tahay sahayda bini'aadantinimo ee muhiimka ah si loo gaaro meelaha ku teedsan labada xuduud. Dadkeenna waxaa soo food saartay abaartii ugu darneyd ee soo marta muddooyinkaan dambe, haddii aan laga hortagin xilliga loogu talagaleyna waxa ay halis u tahay in ay naftu ka baxdo,” ayuu yiri argayga abaaraha dalka.

Ergayga waxaa uu sheegay in la qaaday tallaabo sax ah, taasoo kor u qaadaysa awoodda bani'aadamnimada si ay gargaar u gaarsiiyaan oo ay u bixiyaan taageero waqtigeeda ku habboon.